DAAWO SAWIRADA:Madaxweyne Giorgio Napolitano oo warqadii aqoonsiga Danjirnimo ka Guddoomay Safiir Jen Muuse Xasan Abdulle

0
193

Madaxweynaha dalka Talyaaniga Giorgio Napolitano ayaa aqalka Madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Magaalada Roma ku qaabilay Danjiraha Soomaaliya ay dhawaan u Magacaawday dalkaasi, Danjire Muuse Xasan Cabdulle, iyadoo Madaxweynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano uu si rasmi ah uga gaddoomay warqadihii aqoonsiga danjirenimo.Madaxweynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano iyo Danjiraha Soomaaliya Muuse Xasan Cabdulle, ayaa kulan waqti qaatay ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada dalka Talyaaniga, taasi oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ah labo dal uu xiriir dheer ka dhaxeeyo.
3 4 5 6 7 8 9 10 1 2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here