Wasiiro iyo Fanaaniin xalay kulan casho ah la qaatay qoyskii Maxamed Suleymaan ka geeriyooday

0
104

Wasiiro katirsan Doowlada Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qoyskii uu ka geeriyooday Allaha unaxariistee Fanaan Maxamed Suleymaan Tubeec.Xasan Maxamed Suleymaan, oo ah wiil uu dhalay Maxamed Suleymaan, oo kulankaasi kadib wareysi siinayay Idaacada VOA, ayaa sheegay in wasiiro katirsan Doowlada ay Casho sharaf u sameeyeen Xalay.
tubeec20Wasiirada Kulankaas ka qeyb galay waxaa kamid ahaa, wasiirka Diinta iyo Owqaafta, wasiirka warfaafinta, sidoo kale waxaa kasoo qeyb galay Fanaanada weyn Hibo Nuura.

Xasan ayaa sheegay in Doowlada Soomaaliya ay u ballanqaaday, in Allaha unaxariistee Fanaan Maxamed Suleymaan Tubeec loo sameyn doono maalin ay Ummada Soomaaliyeed ku xasuustaan kooda ugu yar iyo kooda ugu weyn.

Allaha Unaxariistee Maxamed Suleymaan Tubeec oo loogu yeeri jiray Boqorka Codka, waxa uu ahaa Fanaan si weyn looga yaqaan guud ahaan dalka Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here