C/llaahi Goodax Barre, Mustaf Dhuxulow,Maxamed Sheekh iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo galabta gaaray Magaalada Dhuus Mareeb

0
141

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somaliya, ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta ay gaareen Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud.Wasiiradaan, ayaa waxaa laga tilmaami karaa Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Goodax Barre, Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.
download

Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Galgaduud C/xakiin C/laahi Warsame, ayaa wuxuu sheegay in Wasiiradaan ay la socdaan Wasiiro Ku Xigeeno, Saraakiil Ciidan iyo Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Itoobiya Axmed C/salaan Xaaji Aadan.

Gudoomiye Ku Xigeenka oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in Wasiirada iyo xubnaha kale ee kaabaaya, ay kulan la lee yihiin Masuuliyiinta Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

C/kariin C/laahi Warsame, ayaa intaa raaciyay in labada garab ay ka wada hadlayaan, hawlgalada lagu wado in Ururka Al Shabaab looga sifeeyo gebi ahaanba Gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here