WAR DEG DEG AH:Abaan Duulihii Ciidanka Ee Gobolka Hiiraan Oo U Geeriyooday Dhaawac Ka Soo Gaaray Weerarkii Hotel Camaloow Ee Buulo Burde

0
155

Abaan Duulihii Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Hiiraan Korneyl Maxamed Amiin, ayaa wuxuu u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarkii Hotelka Camaloow ee Degmada Buulo Burde.
breaking_news_37595

Xoogaga Shabaab, ayaa dhinaca Bariga ee Buulo Burde ka soo qaaday weerar abaabulan, waxaana kahor tagey Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ee fariisimaha ku leh aaggaasi.

Gaari uu la socday nin naftii hurre ahaa oo doonaayay in uu isku qarxiyo Hotel Camaloow, ayaa waxaa toogasho ku dilay Ciidanka Huwanta, wuxuuna gaariga uu ku qarxay banaanka hore ee Hotelka.

Abaan Duulaha, ayaa dhaawac culus ka soo gaaray firirkii uu sameeyay qaraxii xooganaa ee ka dhashay gaariga fuliyay weerarka ismiidaaminta, sidoo kale waxaa jira Saraakiil iyo Ciidan kale oo ku dhaawacmay.

Wariye Cismaan Aadan Careys oo ku dhaawacmay weerarkaasi, ayaa wuxuu goor dhow uu xaqiijiyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Korneyl Maxamed Amiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here