Dowladda Imaaraadka Carabta oo safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

0
223

Munaasabad ka dhacday qasriga madaaxtooyadda ee ku yaalla magaalladda Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lugu magacaabay denjiraha cusub ee dalkaasi u fadhiisan doonna Soomaaliya.
carabta

Safiirka cusub ee dowladda Imaaraadka Carabta usoo dirayso Soomaaliya waxaa loo magacaabay Al-sayid Mohamed Ahmed Osman Al-xamaadi,waxuuna noqon doonna wakiilka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Sidoo kale munaasabada lugu magacaabay wakiilka Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya,waxaa kalo lugu magacaabay danjirayaal kale kuwaaso dalal dhowr ah u fadhin doonna Imaaraadka Carabta,waxaan ka mid ah dalalka Murutania iyo Senigal.

War lugu soo daabacay wakaalladda wararka dalkaasi ee WAM,ayaa lugu xaqiijiyey magacaabista danjiraha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya,waxaana sidoo kale lugu sheegay warka lugu soo qoray wakaaladda in danjirayaasha lagu booriyey inay ka shaqeeyaan hagaajinta xiriirka dipolomaasiyadeed, Dhaqaalaha, dhaqanka, dalxiiska iyo arrimaha bulshadda.

Imaaraadka Carabta,ayaa ka mid ah dalalka taageera dowladda faderaalka Soomaaliya,waxaana la sheegay magacaabisa danjiraha cusub inay qeyb ka noqon doonto xoojinta xiriirka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here