DAAWO SAWIRADA:Soomaaliya oo ka qeyb gashay Cayaarah Dutch Open Taekwondo Championships 2014

0
174

Waxaa Magaalada Eindhoven ee Wadanka Holland lagu soo gaba gabeeyay Cayaaraha Feerka ee Dutch Open Taekwondo Championships 2014, kaasi oo ay ka qeyb galayeen illaa iyo 1500-Cayaaryahan oo ka kala socday, wadamada Caalamka, kuwaasi oo ay ku jireen xirfadlee ku caan baxday cayaarta feerka ee loo yaqaano Taekwondo, waxaana markii ugu horeesay Soomaaliya ugu qeyb galay cayaartoy ka tirsan Qaranka Taekwondo-ka Soomaaliya.
9 1 2 4 5 6 7 8Feysal Jeylaani Aweys, Maxamed Deeq Cabdullaahi iyo gabadha lagu Magacaabo Saliima Ismaaciil oo uu hogaaminayay Macalinkooda u dhashay dalka Barazil Elton de Souza, ayaa tartankaan kusoo bandhigay Cayaaro aad u wanaagsan oo soo jiitay wadamadii kasoo qeyb galay Maadaama ay aheyd markii ugu horeesay oo tartaan lagu arko Soomaali, waxaana daawashada Cayaarahaan kasoo qeyb galay qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Holland.

Feysal Jeylaani Aweys, ayaa miisaanka 63-kg, kula loolamay cayaaryahano ka kala socday wadamada Holland iyo Spain, waxa uuna cayaartiisa ugu horeesay ka guuleystay Cayaaryahanka ka socday dalka Holland, inkastoo cayaartii labaad ay guusha raacday Cayaaryahankii ka socday dalka Spain.
14 10 11 12 13Saliima Ismaaciil, ayaa Miisaanka 53-kg, kula Tartantay Cayaarhanad ka socotay dalka Germany, balse kulankaasi waxaa guusha qaadatay Cayaaryahanada dalka Germany.

Maxamed Deeq C/llaahi, ayaa Miisaanka 58-kg. kula tartamay Cayaaryahano ka kala socday wadamada Hindiya iyo Kazakhstan, waxa uuna cayaartii ugu horeesay ka guuleystay Cayaaryahankii ka socday wadanka Hindiya, inkastoo Cayaartii labaad ay guusha raacday Cayaaryahankii ka socday wadanka Kazakhstan.
19 20 14 15 16 17 18Cayaartoyda Qaranka Qaranka Taekwondo-ka Soomaaliya ayaa lagu casuumay Xafiiska Hey’adda HIRDA ee Magaalada Amsterdam, iyadoona halkaasi ay kusoo dhaweesay Agaasimaha Guud ee Hey’adda HIRDA Faadumo Faarax, Howlwadeeno ka tirsan Hey’adda, iyo qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee wadanka Holland, waxaana booqashadooda kadib ay Hey’adda HIRDA casho sharaf sagootin ah u sameesay Cayaartoyda Qaranka Taekwondo-ka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hey’adda HIRDA, Faadumo Faarax ayaa cayaartoyda kula dar-daarantay in ay dadaalkooda halkaasi kasii wadaan, iyadoona ku dhiira gelisay in ay ku dadaalaan sidii ay calankooda Soomaaliya meel wanaagsan u gaarsiin lahaayeen, waxa ayna Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan wadamada caalamka ugu baaqday in ay soo dhaweyn iyo dhiira gelin u sameeyaan cayaartoyda Qaranka Soomaaliya marka ay ka qeyb galayaan Tartamada ka dhacaya wadamada Caalamka.

Cayaaryahanadaan ka qeyb galay Cayaaraha Dutch Open Taekwondo Championships 2014, ayaa horey ugu soo qeyb galay Tartamo Caalami ah oo ay ka mid ahaayeen, Cayaarihii ka dhacay dalka Masar, kii wadamda Islaamka ee dalka Indonesia iyo Cayaaro kale oo ka dhacay wadamada Yurub, iyagoona dhawaan ka qeyb galaya Cayaaro ka dhacaya dalka Germany, waxa ayna xuseen in hiigsigooda uu yahay cayaaraha Olompicada ee 2016.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here