Wasiiro ka tirsan Xukuumada oo saakay ku sii jeeda degmada Xudur ee Gobolka Bakool

0
136

Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumada Soomaaliya ayaa saakay ku sii jeeda degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaasoo todobaadkii hore ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda.
1Sida ay sheegayaan wararka ammaanka magaalada Xudur ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada wada jirka ay xireen wadooyinka soo gala iyo wadada aada garoonka diyaaradaha Xudur.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax iyo Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan, iyadoo noqoneysa wafdigii u horeeyay ee xukuumada ka socda oo tagi doona Xudur.

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo wafdiga ayaa ka socda degmada Xudur, waxaana garoonka diyaaradaha ku sugan xubno ka tirsan Maamulka Gobolka, Saraakiisha ciidamada iyo qeybaha bulshada.

Xukuumada Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay inay wafdi wasiiro u direyso deegaanada laga qabsaday Al-Shabaab, si ay ugu kuur-galaan xaalada ammaan iyo mid bulsho, isla markaana la gaarsiiyo gar gaar bani’aadanimo.

Xaalad bani’aadanimo ayaa laga soo sheegayaa degmooyinka laga saaray Al-Shabaab, markii ay ka barakaceen dadkii shacabka ahaa ee ku dhaqnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here