Taliye Sare oo ka tirsanaa Maamul Goboleedka Puntland oo galabta la dilay

0
117

Taliyihii Ciidanka Maamul Goboleedka Puntland ee aaga Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame(Afgaduud) ayaa la sheegayaa in galabnimadii maanta (Isniin) qarax lagu dilay duleedka magaaladda Boosaaso.

Wararku,waxay sheegayaan in Taliyaha iyo Ciidan la socday qaraxa miino lagula beegsaday deegaanka Yalho,khasaaraha ka dhashayna u yahay mid aad u weyn.Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa warar kale sheegayaan in Taliyaha toogasho lagu dilay balse lama Xaqiijin qaabka uu u dhacay Weerarku.
downloadWarar kale ayaa iyana sheegaya in qaraxa miino ka dib ay Israsaaseyn dhexmaratay Ciidankii Taliyuhu horkacayey iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab,halkaasna looga qabtay laba kamid ah dagaalyahanada.

Dhaawaca Taliyaha ayaa loola cararayIsbitaalka Magaalada Boosaas  balse markii danbe la sheegay in dhawaacii gaaray u geeriyooday.
Dhanka Ciidanka Daraawiishta Puntland ee aagaga Galgala ee qaraxa lala eegtay ayaa,waxaa kaga dhintay sida Saraakiisha Caafimaadku sheegayaan askari halka Saddex kalena dhaawac u soo gaaray.
Maamul Goboleedka Puntland kama aysan hadlin qaraxa iyo weerarka lala eegtay Ciidamada Puntland,sidoo kale magaaladda Boosaaso ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq Ciidan,taasoo lagu sugaayo ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here