WAR DEG DEG AH:Ra'iisal Wasaare Cabdiweli iyo dadweyne fara badan oo ka qeybgalay aaska Boqorkii Codka Maxamed Suleymaan Tubeec

0
158

Waxaa Goordhaw Qabuuro kuyaala Iskool Bulisia ee Magaalada Muqdisho lagu aasay Fanaanka Weyn ee Soomaaliyeed Maxamed Saleemaan Tubeec (Boqorka Codka) oo saakay Meydkiisa laga soo dajiyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Maxamed_Saleebaan_Tubeec
Aaska Fanaan Maxamed SaleemaanTubeec waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya uu kamid ahaa Ra’izul Wasaare Cabdi Wali , Wasiiro , Xildhibaano ,Ehelada Fanaaanka iyo dadweyne kale oo meelo kala duwan ka yimid.
Ra’iisal  Wasaaraha Soomaaliya ayaa aaska kadib la hadlay Warbaahinta, waxa uuna umada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Geerida Naxtinta leh ee ku timid Fanaanka, Wuxuu xusay in Boqorka Codka uu ahaa Fanaan saameyn badan ku lahaa Fanka Soomaaliyeed ayna yaqaanaan yar iyo weyn.
Masuuliyiintii iyo Dadkii kale ee ka qeyb galay Aaska Fanaan Maxamed Saleemaan Tubeec oo aad uga murugeesnaa Geerida ku timid ayaa ilaah uga baryay in janadii Fardowsa ka waraabiyo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here