Meydkii Maxamed Suleymaan Tubeec oo maanta oo axad ah la keeni doono Magaalada Muqdisho

0
165

Meydkii Fanaankii weynaa ee Boqorka Codka Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa lagu wadaa in maanta oo axad ah la keeno Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya iyadoo loo sameyn doono Aas Qaran.
Maxamed_Saleebaan_Tubeec

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shalay oo sabti ahayd u sheegay Wariyaasha in aas qaran loo sameyn doono Marxuum Maxamed Suleyman Tubeec oo toddoobadkii hore ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Jarmalka.

Madaxda Labada Gole, Maamulka Gobolka Banaadir, fanaaniin, qoyska Marxuumka iyo dadweyne fara badan ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan aaska Maxamed Suleyman tubeec.

Ilaahay ha u naxariiste Maxamed Suleyman ayaa lagu tilmaami jiray ninka ugu codka fiican Fanaaniinta Soomaalida waxaana loo bixiyay Boqorka Codka, mana jiro ilaa iyo hadda Fanaan dhinaca codka lala meel dhigi karo Maxamed Suleyman.

Fanaanka Qaran ee Allaha u naxriistee Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa waxaa uu dhawaan ku geeriyooday dalka Jarmalka, halkaasi oo uu muddo ku xanuunsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here