Madaxweynaha Puntland oo sheegay sida Somaliland oo kale in aysan goosasho ku dhawaaqayn,Wareysi Xiiso badan

0
132

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay u taagan tahay Midnimada Soomaliya ayna diyaar u tahay in ay wada hadal iyo isu soo dahwaaynsho la yeelato Dowladda Federaalka ee Soomaliya hadii lagu dhaqmayo Nidaamka federaaliisimka oo Soomaalidu ku heshiisay.
gaaswuxuu sheegay in aysan marnaba Soomali ka go’ayn sida Somaliland ay sheegato oo kale ayuu Yiri Mudane Gaas mar uu u waramayay TVGa laga leeyahay Dalka Kenya oo lagu Magacaabo Citezen kuwaasi oo waraysi la yeeshay Madaxweynaha Puntland Duhurnimadii maanta.

Gaas wuxuu sheegay in xukuumadiisa ay soo dhawayneyso Wadahadal ay la gasho Dowladda Soomaliya kaasoo is afgarad kusoo dhamaada maadaama la yahay dad walaalo ah, wuxuuse taasi daba dhigay in lagama maar maan ay tahay Federaaliisimka oo ah waxa ay hada Soomaalidu ku qanacsan tahay.

Madaxweynuhu wuxuu Tvgan u sheegay in Amaanka Puntland uu yahay Mid leysku haleen karo oo wax dhibaato ahna aysan ka jirin isgoo tibaaxay in ay isaga filan yihiin Kooxaha Argagixisada ah ayna u dhameystiran tahay saanadooda Milatari, wuxuu Kooxdii uu u waramayay u xaqiijiyay in ay Dalxiis iyo kormeerba ku tagi karaan Magaalooyinka waa wayn ee Puntland sida Gaalkacyo, Garoowe iyo Magaalada Boosaaso.

Ciidanka kenya ee ku sugan Dalka Soomaliya qaasatan Gobollada Jubbooyinka oo Su’aalo laga waydiiyay ayuu tibaaxay in ay soo dhawaynayaan Ciidankaasi iyo hawsha ay ka hayaan dalka, wuxuuna cadeeyey madaxweynuhu in uusan ku fikir ahayn dadka diidan Ciidanka kenya uuna aaminsan yahay in ay wax badan oo la taaban karo ay la qabteen Maamulka Jubba iyo Shacabka Daga gobolladaasi ayna ka sifeeyeen Inta badan Goobahaasi Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab sida uu AMdaxweynuhu yiri.

Madaxweynaha oo Wariyihii ka socday CitizenTv uu waydiiyay arimaha maalgashiga, wuxuu Madaxweynuhu Gacma furan kusoo dhaweeyey cid kasta oo doonaysa in ay maalgashato Puntland wuxuuna cadeeyey in Dowladdisa ay tixgelin gaar ah u hayso ganacsiga iyo maalgashiga Madaxa banaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ka sheekeeyey Wax yaabaha ay Puntland caanka ku tahay wuxuuna tusaale usoo qaatay ka ganacsiga Xoolaha Nool iyo kaluumeysiga wuxuuna sheegay in Dalal kala duwan Xoolaha Puntland loo iib geeyo sida Dalalka Cumaan, Sucuudiga, Dalka Isu taga Imaaraadka Carabta iyo Kuwayt.

Dr Gaas oo laga waraystay arimaha Burcad badeeda iyo in ay wali ka jiraan Puntland ayaa arintaasi gaashaanka u daruuray wuxuuna sheegay in wixii ka dambeeyey Sanadii 2012kii ay arintaasi soo afjarmatay, wuxuuse Burcad Badeed ku tilmaamay kuwa sida Sharci Darada ah uga kaluumeysta Xeebaha Puntland wuxuuna sheegay in Talaabo Sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa si Kalsami iyo Daganaan ay ku jirto uga jawaabayay Su’aalaha ay Waydiinayeen Wariye yaashii ka socday Dalka Kenya isagoo waliba ku hadlayay Luuqada Englishka.

Ibraahim Wadani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here