DAAWO SAWIRADA:Orodyahan Mo Farah oo kaalinta labaad ka galay tartan orod ah qabow awgiisna u miyir doorsoomay

0
141

Orodyahanka Mo Farah ayaa laga qaaday garoonka kadib markii uu miyirbeelay orod ka dhacay magaalada New York maanta.Tartankan oo ahaa nus maaratoon ayaa waxaa uu ku dhamaystay Mo Farah 61mins 8secs iyadoo uu kaalinta koowaad uu galay orodyahan u dhashay dalka Kenya.Mo Farah oo soddon jir ah ayaa si xowli ah ku dhamaystay tartankan waxaana uu ku dhacay dhulka kadib markii uu ka gudbay diilinta uu ku dhamaado tartanka.Orodyahan Mo Farah ayaa sheegay in uu aad u wanaagsan yahay balse tartanka uu si xoog ah u cararay.Miyridoorsoonka Mo Farah ayaa la sheegay in uu ka dhashay qabow daran oo ka jira magaalada New York.
3 4 5 2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here