Hodan C/rixmaan Iyo Yurub Geenyo oo iskugu faanay Cod iyo Qurux Heesta Xornimo Sumadle + Video..

0
308

Fanaaniinta kala ah Hodan C/ Rixmaan Iyo Yurub Geenyo ayaa u soo bandhigay si tartan ay ka muuqata muuqaalka heesta lagu amaanayo Somaliland kuwaas oo iskugu jawaabay codad iyo muuqaalo dhiiga dhaqajiyay tageerayaasha labadaan fanaan ee codadka mucjisada leh.
1Hodan ayaa ku soo gashay heesta si dagan oo dabacsan iyadoo waliba jiibin macaan ka heshay fanaaniinta xidigaha geeska oo wayahaan danbe qabsaday qalbiyada mucaashiqiinta afka Soomaaliga ku hadla meel kasta ay joogaan.

Sido kale waxaa jawaab iyo cod macaan iskugu daray Hodan oo dhahay anba waan hayaa cod fanaanada Yurub geenyo oo ah fanaanad aan sida Hodan hiddo u laheen fanka balse alle ku baneestay cod iyo xarakeen laxan sida ay dad badan oo tageerayasheeda ah isku raceen.

Jawaabaha codadka waxaa la socday hab labiska labada fanaan oo oo inta badan lagu tilmaamo in aysan aheen labo fanaan oo ku dheerayo labiska sida Asma Love iyo Farxiyo Kabayare.

Heestaan waxaa erayadeeda Samayay abwaanka ahne gudoomiyaha xidigaha Geeska Xasan Dhuxul Labsalaax halka laxanka macaan uu ku laray Fanaanka codka macaan Mohamed Bk.


Xigasho Bogga ka faalooda arrimaha fanaaniinta Filmsheeg.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here