Dagaal xalay ka dhacay degmada Buulo Burde, habeen kadib markii ciidamada huwanta qabsadeen

0
144

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Xoogaga Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Buulo Burde, habeen kadib markii ciidamada huwanta gelinkii dambe ee khamiisti ay qabsadeen degmadaas muhiimka ah.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalada xalay oo ahaa kuwo culus ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana wararku sheegayaan in Shabaabka ay bilaabeen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ka dhan ah ciidamada AMISOM.
download

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay, hase ahaatee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhowr fariisimo ka sameystay gudaha iyo daafaha magaalada, si ay u xaqiijiyaan ammaanka.

Dad ku sugan magaalada Buulo Burde oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in xalay maqlayeen hub cul culus oo la is dhaafsanayay, iyadoo inta badan degmada ka maqan yihiin dadkii deegaanka ahaa oo isaga barakacay degmada labo maalmood ka hor.

Inkastoo Al-Shabaab sida caadada aanay dagaalamin marka lagu soo maqan yahay ama weerar lagu soo yahay, ayaa ah xeelad ay adeegsadaan, maadaama aanay awood ugu babac dhigi karin ciidamada ku soo wajahan, taa bedelkeed waxay isaga baxaan magaalooyinka, kadibna weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah xilli kasta habeen iyo maalin ku soo qaada fariisimaha ciidamada.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Al-Shabaab waxaa gacantooda ka baxay ilaa lix magaalo oo ku yaala Gobolada Bakool, Gedo iyo Hiiraan, iyadoo ciidamada AMISOM ay guluf ku qaadeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here