Midowga Afrika oo ku faraxsan qabsashada Magaalada Buuloburde

0
120

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mahamat Saleh Annadif ayaa soo dhoweeyay qabashada magaalada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay shalay la wareegeen magaaladaas muhiimka ah.
download

Howlgalka sida wada jirka ah ay u wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo bishan bilowday ayaa ilaa hada laga saaray Al-Shabaab ilaa lix magaalo, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Taliska AMISOM.

Qeybta saddexaad ee howl galka AMISOM Gobolada Bay iyo Bakool ayaa deegaanada laga saaray Al-Shabaab ayaa waxaa ka mid ah Xudur, Rabdhuure,Teed, Weel dheyn iyo Buur-dhuubo oo ka tirsan Gobolka Gedo

“Buulo Burde oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo ah Sector 4-aad ee howlgalka AMISOM ayaa istiraatiiji u aheyd Al-Shabaab, waxeyna xarun iyo hooy ay u aheyd boqolaal ka tirsan argagixisada xiriirka la leh Al-Qaacida,qabashada ay magaaladaasi qabsadeen ciidamadeena geesiyaasha ah waxa ay kor u qaadeysaa dadaalkeena ku aadan sidii nabad iyo deganaasho loogu soo celin lahaa Soomaaliya”ayuu yiri Ambassador Annadif.

Ciidamada AMISOM oo la kordhiyay ayaa waxaa dhowaan ka mid noqday Ciidamada Itoobiya oo horay Soomaaliya u soo galay sanadkii 2006-dii, waxaana ay haatan hormuud u yihiin dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee ka bilowday Gobolada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here