Xukuumadda Soomaaliya oo wasiirro usartay inay tagaan dhulka Al-Shabaab laga saaray

0
141

Waxaa la sheegay dhawaan inay tagi doonan dhammaanba deegaannada iyo dhulka ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya kala wareegen ururka Al-shabaab xubno ka mid ah xukuumadda Soomaaliya.
2Wasiirrada gobollada iyo degmooyinka Al-shabaab laga saaray tagaya waxaa la sheegay inay shaqadooda noqon doonto sidii ay ugu koorgalin lahaayeen xaaladda ka jirta deegaannada.

Cabdulaahi Goodax Barre oo ah wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya,ayaa arrintan shaaca ka qaaday waxuuna sheegay in xukuumaddu goobaha ay kala wereegto Al-shabaab ay u diri-doonto wasiir ku-xigeeno iyo xubno kale oo ka socda wasaaraddaha xukuumadda.

…”””Waxaan udirayna dhammaanba dhulka ay la wareegen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM wasiir ku-xigeeno iyo xubno ka mid ah dowladda,waxaana ay qeymeeyn ku sameyn doonan amniga deegaannada iyo degmooyinka Al -shabaab laga saaray,…”””ayuu yiri wasiir Goodax.

Goodax,waxaa kalo uu soo hadal qaaday in ciidamo gaar ah la dhigidoono xarumaha Al-shabaab ay ka qabsadeen saldhigyo booliskana ay ku howlgalaana la sameyndoono,isagoona intaasi raaciyey in ay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato Amniga Soomaliya.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha iyo faderaalka,waxaa uu qeyb ka yahay dadaallada ay dowladdu ku doonayso in lugu xasiliyo deegaannada ay Al-shabaabku ka bexen iyadoona ay jiraan in goobaha ay dowladdu garto inay ka barakacayan dadka shacabka ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here