Maxamed Saleebaan oo aas qaran loo sameynayo

0
162

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in aas qaran magaalada Muqdisho loogu sameeyo Allaha u raxmadee fannaankii caanka ahaa, Maxamed Suleymaan Tubeec, oo Talaadadii ku geeriyooday dalka Jarmalka.
Tubeec

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo ku-xigeenkiisa oo la kulmay xubno ka tirsan fannaaniinta hoballada Waaberi ayaa kala hadlay qaban-qaabada aaska Marxuumka, wuxuuna u sheegay in la maamuusayo.

Mustaf Dhuxulow ayaa isagoo u hadlaya xukuumadda tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo ehellada marxuumka.

Qaar ka mid ah abwaannada Hoballada Waaberi oo u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in fannaaniin badan oo qurbaha ku nool ay ka qeyb-gali doonaan aaska Maxamed Saleebaan Tubeec.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here