Madaxtooyada Soomaaliya oo noqotay meel ay Maamulaan Hal Qoys, Wiilka qaba Gabar ay dhashay Madaxweynaha Walaashiisa oo Agaasime Madaxtooyo loo magacabay (Warbixin)

0
227

Maamulka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u muuqda mid u gacan galay hal qoys ama reer gaar ah kadib markii Agaasimihii Madaxtooyada Kamal Guutaale laga qaaday xilkii loona magacabay Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday Madaxtooyada.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Qaranka mudane Taabit, waxaa uu qabyaa Gabarta Nuurto Sheekh Maxamud
Agaasimaha guud ee madaxtooyada Qaranka mudane Taabit, waxaa uu qabyaa Gabarta Nuurto Sheekh Maxamud

Wiil uu abti u yahay Xasan Sheeh Maxamud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo magacabay Agaasimaha Madaxtooyada sida laga soo xigtay xubno ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha.

Wiilkan oo abtiga u yahay Madaxweynaha isla markaana uu qabo Gabar ay dhashay Madaxweynaha Walaashiisa Nuurto Sheekh Maxamud ayaa lagu magacaba TAABIT CABDI

MR TAABIT CABDI Waxaa uu ahaa Maamulaha dhaqaalaha Madaxtooyada, waxaa uu gacanta ku haaya dhaqaalaha Madaxtooyada isagoo cariiri ku haayay dhamaan shaqaalaha Madaxtooyada sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan Villa Soomaaliya.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa dad ku sugan Madaxtooyada waxay ka soo xigtay Wiilkan inuu noqon doono Agaasimaha Madaxtooyada.

Dadaalka Wiilkan waday ayaa laga fahamayay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho taas dagaal Siyaasadeed ku waday Kamal Guutaale iyadoo Bogga Internedka Idaacadaas warar ka dhan ah Kamal lagu daabacay.

Hadda waxay sheekadu u muuqata in Maamulka Villa Soomaaliya inta badan iskugu biyo shubtay Jufada Waceysle oo Madaxweynaha ka soo jeeda.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada ayaa u sheegay Newsomali.com in TAABIT CABDI dhuunta qabtay nolosha Shaqaalaha Madaxtooyada isla markaana qaati ka taagan yihiin hab dhaqankiisa.

Nuurto Sheekh Maxamud oo galaangal Siyaasadeed ku leh Madaxtooyada ayaa kala hadashay Walaalkeeda oo ah Madaxweyne Xasan Sheekh sidii Agaasimaha Madaxtooyada loogu magacabi lahaa TAABIT CABDI oo hadda ah Agaasime kuxigeen.

Waa hab dhaqankii Boqortooyada Carabta ama qaar ka mid ah Madaxda afrika ee lagu yaqiinay sida hadda lagu wado Maamulka dalka gaar ahaan xarunta Madaxtooyada.

In hal Qoys oo reer Sheekh Maxamud ay maamulan xaruntii laga xukumayay dalka waxay taasi la micno tahay dib u dhac ku yimid rajadii laga qabay in soomaali dib u midowdo isla markaana la helo nidaam cadaalad ku dhisan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here