IFJ oo dalbatay sii deynta wariye Soomaali ah oo ku xiran Ethiopia

0
190

Ururka Isu-tagga Caalamiga ah ee Wariyeyaasha (IFJ) ayaa walaac ka muujiyay dambi u yeelidda iyo xarigga lagu xakumay Maxamed Aweys Muudeey (Boqorka Bartamaha) oo ah wariye rug-caddaa ah oo Soomaali ah.
IFJ_logo1

Wariyaha oo dhowaan maxkamad ay ku xukuntay xabsi 27 sano ah, kaas oo loo cugsaday sharciga la dagaallanka argagixisada ee Ethiopia ayaa ku eedeysnaa inuu wax ka ogaa howlgallo ay al-Shabaab ka fulin lahayd gudaha Ethiopia iyo inuu ku lug lahaa falal argagixiso.

IFJ oo war ka soo saartay xarigga wariyaha ayaa dowladda Ethiopia ka codsatay inay ka noqoto go’aanka xukunkiisa, sida ugu dhaqsiyaha badanna loo siiyo xorriyaddiisa.

Wariye Maxamed Aweys Muudeey ayay IFJ sheegtay in loo diiday qareen u dooda iyo in qof qoyskiisa ah uu xaadiro halkii ay dacwaddiisa ka socotay.

Ururuka wuxuu sheegay in wariyaha iyo saddex qof oo lala xiray si xun loo jir-dilay intii ay xabbisnaayeen, isla markaana aysan si hagaagan u socon karin.

Ethiopia ayaa la sheegaa inay ku jirto dalalka cabburiya suxufiyiinta. Kaliya Eritrea ayaa kaga horreysa xarigga wariyeyaasha, waxaana wariyeyaasha xiran lagu eedeeyaa argagixisanimo si loo cabburiyo, sida ay tiri warbixinta ay soo saartay IFJ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here