Diyaarado Maanta Duqeymo Xoogan Ka Geystay Duleedka Degmada Baardheere

0
168

Wararka laga helaayo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayaan in diyaarado ay maanta duqeymo culus ka geysteen duleedka Degmada Baardheere.Diyaaradaha oo tiradoodu ilaa laba lagu sheegay, ayaa waxay duqeymo xoogan ay ku burburiyeen fariiisimo ay Ururka Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Taraaka.
55Taraaka waxay ilaa 40km u jirtaa Degmada Baardheere, oo ay gacanta ku heyso Al Shabaab, waxayna Shabaabku Taraaka ka difaacanayeen Baardheere, haddii laga soo weeraro dhinaca deegaanka Faafaax-dhuun.

Ciidanka Dowladda iyo Amisom ee degganaa Faa-faaxdhuun, ayaa la soo sheegayaa in ay xalay ka soo dhaqaaqeen deegaankaasi, ayna cagta saareen wadada tagta Baardheere.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeymaha xoogan ee lala beegsaday fariisimaha, ay Shabaabku ku lahaayeen deegaanka Taraaka, ayna ku difaacanayaan Degmada Baardheere.

Diyaaradaha duqeymaha geystay, ayaan si sax ah loo aqoon dalka laga lee yahay, balse waxaa soo baxaaya wararka la xiriira, in diyaaradaha duqeymaha geystay laga lee yahay dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here