DAAWO SAWIRADA:Saddex ka tirsan askarta Dowladda oo saakay lagu toogtay fagaaraha Iskool Bolisiya

0
137

Saddex gacan ku dhiigle oo ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka ayaa saakay lagu toogtay fagaaraha Dugsiga Booliska ee magaalada Muqdisho.Maxkamadda ciidamada Milateriga ee Dowladda Federaalka ayaa dil toogasho ah ku xukuntay saddexda nin, kaddib markii sida lagu soo eedeeyay falal dilal ah oo ay horay u geysteen, isla markaana Maxkamaddu caddeysay in lagu helay dembiyadii lagu soo oogay.
2 3 4 1Barxadda Iskool Bolisiya oo lagu toogtay saddexda nin ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil iyo taliyeyaal ciidan, kuwaasi oo goobta ka akhriyay go’aanka xukunka maxkamadda ciidamada ay ka soo saartay gacan ku dhiiglayaasha.

Qaar ka mid ah ehelada gacan ku dhiiglayaasha oo ku sugnaa goobta ay toogashada ka dhaceysay ayaa warbaahinta u sheegay in tallaabadaani ay horseedeyso hoos u dhac ku yimaada falalka dilka ee ka dhaca Muqdisho iyo dalka intiisa kale.

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada Dowladda ayaa ugu baaqay askarta Dowladda inay ka fogaadaan wax kasta oo dhalin kara gacan ku dhiiglenimo, iyagoona sheegay in Maxkamadda ciidamada qalabka sida dembiyadaasi u cuskaneyso dastuurka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here