DAAWO SAWIRADA:Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo dalka Japan ku sugan

0
143

Madaxweynaha  Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaaladda Tokyo ee dalka Japan iyadoo garoonka ay ku soo dhaweyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Japan ee uu ka mid ahaa safaiirka Japan ee Soomaaliya.Wafdiga Madaxweynaha oo muddo Afar maalmood ah ku sugnaan doona dalkan Japan ayaa waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guud Nadiifo Maxamed Cusmaan.Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo kulan la qaadan doona Ra’iisul Wasaaraa dalka Japan Shinzo Abe ayaa kala hadlaya xoojinta xiriirka labadda dal iyo sidii Dowladda Japan taageero u siin lahayd Dowladda Soomaaliya sida Kalluumeysiga, Horumarinta Beeraha iyo sdii tababaro loo siin lahaa xirfadleyda Soomaaliyeed.
6 1 2 3 4 5

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here