DAAWO SAWIRADA:Banaadir SC Oo Ku Dhow Hanashada Horyaalka Soomaaliya Ka Dib Guul Ay Ka Gaareen Heegan

0
224

Kooxda kubadda cagta Banaadir Sports Club ayaa shalay galab 2-0 ku garaacday kooxda Heegan kulan ka tirsanaa kulamada 11-aad ee horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya oo ka dhacay garoonka Banaadir Stadium ee magaalada Muqdisho.
11 12 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10Weeraryahanka reer Kenya Marcel Samson (Maxamed) ayaa labada gool u dhaliyay kooxda Banaadir SC labada qeyb ciyaarta, isagoo goolka labaad ku dhaliyay Rigoore loo dhigay dhammaadka ciyaarta.

Kooxda Banaadir SC natiijadan waxey siineysa in ay lix dhibic ka sara-marto kooxda kusoo xigta ee Heegan oo ah kooxda ay shalay galab ka badisay, waxeyna 7 dhibic ka sarreysaa kooxaha Jeenyo iyo Elman oo min hal kulan u harsan yihiin.

Seddex kulan oo horyaalka uga harsan kooxda Banaadir ayay u baahan tahay in laba ka mid ah ay badiso si ay horyaalka ugu guuleysato waxeyna laba ka mid ah kulamadaas la yeelan doontaa labada koox ee horyaalka ugu hooseeya ee Gaadiidka iyo Savaana.

Kulamada kale ee 11-aad waxaa toddobaadkan kooxuhu isku arki doonaan sidan: Elman Vs Savaana, Dekedda vs Jeenyo iyo Horseed vs Gaadiidka.

Sida kooxaha u kala sarreeyaan

KOOXDA

Kulan FG DHibco

B.S.Club 11 8 3 0 14 27

Heegan 11 7 0 4 6 21

LL-PP 10 6 2 2 10 20

Elman FC 10 6 2 2 6 20

Dekedda 10 3 1 6 -5 10

Horseed 10 2 3 5 -8 9

Gaadiidka 10 2 2 6 -7 8

Savaana 10 0 1 9 -16 1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here