Allaha u naxariisto Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec oo saakay ku geeriyooday dalka Jarmalka

0
158

Waxaa maanta ifka ka tagay Ilaahay ha u naxariistee Boqorkii Codka ama lagu tilmaami jiray mid ka mid ah tiirarka ugu adag Fanka Soomaaliya Maxamed Suleymaan Tubeec kaas oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaala dalka Jarmalka, oo in muddo ah ku xanuunsayay.
Maxamed_Saleebaan_Tubeec_Xanuunsan_1-1Geerida Fanaanka waxaa saxaafada u xaqiijiyay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Mustafa Maxamed Suleymaan Rubeec, isagoo sheegay in mudadii uu isbitaalka ku jiray labo jeer qaliin lagu sameeyay.

Allaha u naxariistee Fanaanka ayaa ka xanuunsanayay dhinaca Sambabada, iyadoo dhowr jeer laga daweyay xanuunkaas sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.

Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa ka mid ahaa fanaaniinti loogu jeclaa dalka Soomaaliya, waxaa lagu xasuustaa heeso wadani iyo kuwa kale oo uu xiliyo kala duwan ku luuqeeyay, waxaana uu ahaa nin magac iyo maamuus ku dhex lahaa umada Soomaaliyeed.

Lacagta qalinka loogu sameeyay Fanaanka ayaa waxaa bixiyay Maamulka Gobolka banaadir ee markaasi madaxda ka ahaa Tarsan.

Maxamed Suleyman Tubeec waxaa uu ahaa nin aan la gaarin codkiisa ama aysan jirin cid ilaa iyo hadda ku soo dhawaan karta codkiisa.

Waxaa la dhihi karaa maanta in Fanka Soomaaliya uu waayay mid ka mid ah raggii ugu cuslaa ee la xusuusan doono.

Allaha U Naxariisto Mahamed Saleban Tubac ameen Samir Iyo Iman Allaha Kawa Waraabiyo Janatul Fardowsa Ameeeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here