Madaxweyne Xasan Sheekh oo Japaan qabtay

0
212

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu horkacaayo, ayaa waxay maanta ka amba baxayn Garoonka Aadan Cadde, iyagoo ku sii jeeda Magaalada Tokyo.
timthumbMadaxweynaha, ayaa waxa uu casuumaad ka helay Ra’iisal Wasaaraha Japan Shinzō Abe, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo la xiriira labada dal.

Afhayeenka Madaxtooyada ahna La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), ayaa waxa uu xaqiijiyay in Madaxweynaha uu casuumaad ka helay Ra’iisal Wasaaraha Japan.

“Waxa oo uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Japan H.E. Shinzō Abe, oo ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo fulin lahaa ballanqaadyadii shirkii Yakohama ee sanadkii hore.” ayuu yiri C/raxmaan Yariisow.

“Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxay wadaan qorshihii dib u dhiska dalka iyo mashaariicda.” ayuu yiri Eng. Yariisow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here