Ganacsade Soomaaliyed oo caan ahaa oo lagu dilay magaalada Mombasa ee dalka kenya

0
116

Kooxo bistoolado ku hubeysan, ayaa maanta Magaalada Mombasa ee dalka Kenya waxa ay ku dileen ganacsadaha weyn ee Soomaaliyeed ee Xuseen Kasoow.Kooxda dilka geysatay, ayaa waxaa lagu sheegay in ay ahayd burcad, inkastoo ay weli baaritaano amuurtaasi ku aadan, ay wadaan Ciidamada Booliska ee Magaalada Mombasa.
timthumbRaggaan, ayaa dhac kula dhaqaaqay Xarun dahabka lagu iibiyo oo uu Xuseen Kasoow ku lahaa Magaalada Mombasa, ka gadaal markii ay ku dhex toogteen.

Kahor inta aanu dhiman ganacsadaha, ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka guud ee Magaalada Mombasa, oo uu ugu geeriyooday rasaas ay madaxa kaga dhufteen burcada.

Taliska Booliska ee Kenya, ayaa sheegay in ay baarayaan nooca ay tahay rasaasta lagu dilay marxuumka, waxayna sheegeen inaan la aasi doonin, ilaama ay ka soo afjarayaan baaritaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here