DAAWO SAWIRADA IYO WARBIXIN:Dastuurka uu yeelanayo Maamulka Labada Shabeelle oo lagu ansixiyay shir ka dhacay Afgooye

0
185

Shirweyne maanta ka dhacay degmada Afgooye oo ay isagu yimaadeen Ergooyinka matala bulshada ku dhaqan Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa lagu ansixiyay dastuurka uu yeelanayo Dowlad Gobaleedka Shabelle.
8 9 10 1 2 3 4 5 6 7Ergo gaareysa 800 oo ka kala yimid dhammaan qeybaha bulshada labada Shabelle ayaa ugu horeyntii loo qeybiyey nuqulka dastuurka, oo dood dheer iyo talo bixin ka dib, waxaa cod loo qaaday ansixinta Dastuurka.

773 ka mid ah Ergadii 800 ee kulanka isagu timid ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey Dastuurka ay yeelaneyso Dowlad Goboleedka Shabelle State oo ka kooban gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha shirka maamul u sameynta Labada Shabelle Cusmaan Maxamed Maxamuud Buule ayaa sheegay in shirkan uu soo socday muddo 8-bilood, isagoo u mahad celiyay guddigii farsamo ee loo xilsaaray soo diyaarinta Dastuurka oo in muddo ahba ku howlanaa.

Waxgaradka ka kala socday beelaha dega labada gobol ee shirka ka qeyb galay ayaa soo dhoweeyay ansixita dastuurka dowlad goboleedka Shabelle State oo noqonaya mid bulshada ku wada dhaqan labada gobol ee kheyraadka leh ay maamul ku sameystaan.

Kadib markii shirka ansixintiisu dhamaaday waxaa shirweynuhu u gudbay sidii loo dhamaystiri lahaa talaabooyinka aiyo farsamadii lagu soo xuli lahaa xubnihii baarlamaanka ee matali lahaa shacabka Labada Shabeele.

Sidoo kale waxaa la isku afgartay in la sii joogteeyo shirarka ergooyinka oo ay dhowaan soo dooran doonaan Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen, kadibna la dhisi doono golaha fulinta si ay maamul wanaag u fuliyaan oo ay ugu adeegaan danaha shacabka deegaanada Shabeelooyinka.

Ugu dambeyn shirka ayaa la filayaa in dhowaan lagu doorto Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen waxaana jira musharaxiin badan oo isku soo taagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here