Montserrat Serra & Blanca Thiebaut oo ku laabtay Spain "SAWIRRO"

0
161

Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut oo ah labadii haween ee toddobaadkaan la shaaciyay in la sii daayay, ayaa waxay dib ugu laabteen dalka Spain, oo ay u dhasheen.Haweenkaan oo ka soo jeeda Magaalada Madrid ee Xarunta Wadanka Spain, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Madrid.

Kadib markii ay si nabdoon ku gaareen Magaalada Madrid, ayaa waxay kula hadleen Saxaafada, waxayna soo dhoweeyeen in dib markale xoriyadooda loo siiyo.

Sidoo kale waxay si guud ay manadcelin ugu jeediyeen dhamaanba, intii ka qeyb qaadatay sidii dib loogu soo sii deen lahaa, intii afduub ahaanta loogu heystay dalka Somaliya.

War Saxaafadeed ay Khamiistii soo saartay Hay’adda MSF, ayaa waxaa lagu shaaciyay in dib xoriyadooda loo siiyay Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut.
4 1 2 3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here