Maxamuud Sayid Aaden oo Baydhabo u jooga Maamul goboleed kale oo gobolka Gedo uu ku jiro. Xaggeese hadda sameynta maamulkaasi marayaa? Sii akhriso.

0
114

Indha waalaba waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ka socday dhimaha Maamul Goboleed logu magacaabo Konfur Galbeed State.Maamul Goboleedkan ayaa waaxaa sida la sheegay uu noqonaya mid ka kooban Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo waxaana dhismaha maamulkaani uu hada ka socda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
2Magaalada ayaa waxaa hada waxaa ku sugan oo u Fadhiya Shirka Aqonyahano, Guurti Qurbajoog iyo Qaybaha kala duwan ee Bulashada Goboladaasi .

Howlaha Dhismaha Maamul Goboleedkan ayaa wayihi ugu danbeyay ay ku yimaden dib u dhacyo waxaana dhawaan in la dhiso Maamulkaani dhig cusub ku shubay Islamarkana dardargaliyay RW Somalia Dr Cabdi Farax Shirdoon Saacid mar uu boqasho ku tagay Magaalada Baydhabo.

Sido kale waxaa magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ku sugan Masuliyiinka ka socda Maamulka Gobolka Gedo garabka Fadhigoodun yahay Garbaharey iyo Siyaasiga Maxamuud Sayiid Adan oo asagu u ola oleya hergalintanka Maamulkaan waxaana ku soo biritaanka Masuliyiintaani ay si laba jibaartay hamigi laga qabay dhismaha Maamulka Konfur Galbeed State.

Magaalada Baydhabo waxaa maalmaahan ka socday Shirar aan lo kala kicin oo lagu dhamaystiraayo Maamulkaan waxaana jira khilaafyo ka dhex taagan Masuliyiinta Gobolada Bay iyo Bakool kuwaas oo wali ku kala fikir duwan in Goboladaasi la soo raciyo Gedo ama Sh/Hoose.

Qaar ka mid ah Siyaaasiyiinta Digil iyo Mirif waxaay qaban in Gobolada Bay iyo Bakool ay u bahan yihiin Xeeb ama dakad ay wax kala soo dagaan sidaas daraadeedna aysan marnaba ka marmeyn in ay la midooban Gobolka Sh/Hoose si lo isticmaalo Dakada Marka.

Halka qaar ka mid ah siyaasiyiinta Gobolada Bay iyo Bakool ay qaban in Gobolka Gedo u muhiim u yahay madaama uu leeyahay Wabiyo iyo Xaduudo caalami ah ayna mudan tahay in ay Gedo la midooban.

Waxaa dhawaan la saray Gudiyo Xaliya kala fikir duwananshaha u dhexeya masuliyiinta Gobolada Bay iyo Bakool waxaana Gudigaani u ku guda jiraa Howshiisi.

Xigasho kismaayo24

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here