Magaalo Maraykan ah oo ceyrowdey

0
130

Magaalada Detroit ee dalka Maraykanka ayaa shaacisay inay ceyrowday.Magaaladan oo sidoo kale loo yeqaanno magaalada gawaarida, ayaa lagu yeeshay deyn dhan 18 bilyan oo dollar.Maammulka magaalada ayaa doonaya in laga badbaadiyo kuwa deynta ku leh, oo ay ku jiraan shaqaalaha dowladda.
2

Go’aankan ayaa magaalada ka badbaadinaaya bixinta lacagaha howlgabka iyo adeegyada caafimaad ee shaqaalaheeda.

Detroit, ayaa sanadihii tagay, waxaa soo wajahay dhaqaale xumo uga timid hoos u dhaca wax soo saarka warshadaha sameeya gawaarida, caanshuurta soo gasha oo yaraatay iyo falal dembiyeed badan oo ka dhacay.

Guddoomiyaha gobolka Michigan ee ay Detroit ka tirsan tahay, Rick Snyder, ayaa sheegay inuu oggolaaday go’aanka uu gaaray maammulka magaalada.

Waxaa uu sheegay in dhibaatada dhaqaale xumo ee magaalada ku habsatay ay soo billaabatay 60 sanno ka hor, balse tallaabadan, ay ka caawin karto inay soo kabsato.

Mas’uuliyiinta ayaa ku rajo weyn in magaaladu ka baxdo fashilka dhaqaale ka hor intaan la gaarain dabayaaqada sanadka soo socda.

Xigasho bbc da Laanta Soomaalida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here