Maqaal : Shiikh Xasan Dahir Aweys iyo Shiikh Axmed Madoobe, Maxay ku kala duwan yihiin, Sow la jiifiyaana banaan ma ahan ? Sii akhriso.

0
156

Gari allay taqaane, caqligaaga isku weydii, oo aqristow Sheekh Axmed Islaam iyo Sheekh Xasan Aweys maxay ku kala duwan yihiin?

Waa maxay sababta keentay in midna (Axmed Islaan) ay dawladda Soomaaliya koolkoollinayso oo baasabboorrada diblomaatigga ah isagoo maqan ugu goynayso, isagoo dilaa ah loo baryayayo, VIP-da garoomada waddamada deriska ah loogu qaabbilayo oo ay xubnaha ugu galaangal badan dawladda Soomaaliya aragtidiisa ugu safrayaan, midna (Xasan Aweys) uu xabsiga ku silcayo?
Madoobe+AweysWaa labo xagjir. Midkoodna weli ma oran “Waan ka baxay Argaggixisadii.” Midkoodna uma cudur-daaran dadkii uu halaagay iyo eheladoodii. Labaduba dawladda Soomaaliya way ka soo horjeedaan, Axmed baana haatan shiddo iyo lug-gooyo badan. Labaduba dembiyo qaran iyo kuwa caalami ah bay ku eedaysan yihiin. Axmed Madoobe wuxuu intaa dheer yahay dembiyadiisa dagaal saacaddan aan maqaalkan qorayo waa ay socdaan.

Madoobe+Aweys

Labada sheekhba Axmed Godane ayuunbay kala boodeen: Sheekh Xasan Aweys iyo Godane waxay isku qabteen arrin aaminsanaan iyo aqoon diimeed ku tacalluqda. Sheekh Axmed Islaan iyo Godanena waxay isku qabteen saamiga laga heli jirey dekedda Kismaayo.

Haddii ay dawladdu fadhiid tahay oo ay qabaa’ilka iyo dadka Soomaaliyeed ka dhawrsanayso waa wax la gartay. Haddii ay seefteedu bannaanka taal oo ciddii ay shuufto ay dhulka ku ciriirinaysana waa baab kale. Haatan waxaa muuqda in ay dawladdu shabeel u tahay Sheekh Aweys, meesha ay ugaar uga tahay Sheekh Madoobe.

Haddii ay Axmed Madoobe Sirdoonka Kenya isku fiican yihiin, innagu ma Sirdoonka shisheeyaannu madaxnimo u doorannay? Aaway xaqii aannu ku lahayn madaxdeenna? Xaggeese lagu arkay dad dawlad sheeganaya oo la-jiifiyaana-bannaan intan le’eg ku dhaqmaya?

Halka farqi ee labada nin u dhexeeya waa in ay daciiftay hibaysigii ay Soomaalidu ka hibaysan jirtey Beesha uu Aweys ka soo jeedo: Habar Gidir. Dhinaca kale waxaa sare u kacay qaddarinta loo hayo iyo cabsida laga qabo beesha Axmed Islaam: Ogaadeen/Kenya.

Haddii ay caddaaladi jirto, oo weliba la doonayo in aanay Xamar dhibaato ka qarxin, labada nin ama ha la wada xiro, haddii kale labadaba masuuliyad ha loo dhiibo.

Dr. Fahiima X. Xaashi

fhhaashi@gmail.com

Maqaalkan waxaa uu jawaab u yahay Maqaal shalay ku soo baxay Kismaayo24.com waana kan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here