Labo ka mid ah Shaqaalaha Hay'adda MSF oo muddo 2 sano afduub loogu haystay meelo ka mid ah Soomaaliya oo maanta la sii daayay

0
196

Hay’adda Dhaqaatiirta aan Xudduudda lahayn ee MSF ayaa maanta xaqiijisay in la sii daayay labo qof oo ka tirsan shaqaalaheeda oo dalka Kenya laga afduubay labo sano ka hor.War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut oo ah shaqaalaha afduubka lagu haystay ay nabad qabaan, lana rajeynayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu biiraan eheladooda.
MSFMSF ma aanay faahfaahinin sida lagu sii daayay shaqaalaheeda, waxayse cambaareysay weerarkii lagu qaaday samafaleyaasha oo ku dedaalayay inay adeegyo caafimaad oo naf lagu badbaadinayo siiyaan qaxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab.

Hay’addu waxay u mahadcelisay dhammaan dadkii ka qeyb qaatay in si bad-qab ah lagu sii daayo shaqaalaheeda.

Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut oo u dhashay Spain waxaa laga afduubay xerada qaxootiga IFO 2 oo ku taalla Dhadhaab oo ah gobolka Waqooyi-bari Kenya 13-kii bishii October ee sanadkii 2011.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here