Alshabaab oo sheegtay iney Jubada hoose ku dileen 17 askari oo AMISOM ah

0
130

Alshabaab ayaa sheegtay iney weeraro shalay ka dhacay gobolka Jubada hoose ay ku dileen 17 askari oo ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM,afhayeenka dhanka hawlgallada alshabaab SH C/casiis Abu Muscab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa sheegay iney Kismaayo ku dileen 17 askaro oo AMISOM ah.
38Afhayeenka ayaa sheegay in alshabaab ay Miinooyin ay ku aaaseen magaalada Kismaayo iney la beegsadeen 2 gaaro oo kala ahaa Booyad iyo gaari nuuca ciidamada qaada ahaa oo ilaalo ka ahaa Booyadda,wuxuuna sheegay iney gabi ahaanba burbureen labada gaari isla markaane ay ku gubteen askartii saarnayd sida uu sheegay.

Abu Muscab ayaa sheegay in 17ka askari oo uu sheegay iney Qaraxyada Kismaayo ka dhacay ku dileen ayaa tilmaamay in 15 ka mid ah ciidankaasi ay u dhasheen dalka Kenya halka 2da kalane ay kasoo jeedaan dalka Sier Leone oo dhawaan kusoo biiray hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya,wuxuuna dhanka kale sheegay iney weeraro isdaba joog ah oo ka dhacay Kismaayo iyo deegaano ka baxsan iney ku gubeen ilaa 6 gaari dhaawacyo badan oo ay gaareen ciidanka AMISOM.

Afhayeenka hawlgallada alshabaab ayaa ku sheegay sababaha ay weerarada ugu qaadayaan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya iney salka ku hayso iney ka hortagaan in Kenya ay mar labaad ay gumeysato dalkeedane ku darsato dhul Soomaaliyeed,wuxuuna tibaaxay iney caddahay ujeedka Kenya inuu yahay iney Jubooyinka ku darsato dhulkii hore ay uga haysatay Soomaaliya ee NFD oo hadda loo yaqaan waqooyi bari Kenya sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here