Wiil 36 Jir ah oo Sheegay Inuu Madaxweyne Siilaanyo Dhalay oo Ku Xiran Xarunta C.I.D-da Ee Magaalada Hargeysa

0
145

Sida ay maanta qoreen qaar ka mid ah Saxaafada gudaha iyo dibadda ee Maamulka Somaliland Xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ku xiran wiil 36 jira ah kaas oo la xiray ka dib markii uu sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo Dhalay.
imagesCiidamada Nabad sugida Maamulka Somaliland ayaa xiray wiilkan kolkii uu sheegay inuu aabihiisu yahay Madaxweynaha Maamulkaas Siilaanyo iyadoo arrintan saameyn ku yeelatay xarunta Madaxtooyada ee Somaliland.
Wariyaasha jooga Magaalada Hargeysa ayaa waxay leeyihiin ilaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Laamaha amaanka oo wiilkan gacanta ku haaya.
Waxaa ugu badan oo lagu kala ogaan karo in Wiilkan uu dhalay Madaxweynaha iyo in kale waa marka Maxkamad la soo taago.
Wiilkan ayaa la sheegay inuu ehelada madaxweyne Siilaanyo ku war geliyey inuu madaxweynuhu dhalay, balse markii ay Police-ku arintan maqleen ayey xabsiga u taxaabeeen.
Bogga Hadhwanaagnews.com ayaa ka mid ah Bogaga looga kalsoonada badan yahay degaanada Somaliland isaga ayaana wax ka qoray xaaladan Halkan ka aqriso warbixintii arrintan ka qoeay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here