Safiiradii Soomaaliya u magacawday dalalka Talyaaniga, Beljamka, UK, Tanzania iyo dalal kale oo la diiday, Waayo aragnimo la'aanta Xasan Sheekh Maxamud ayaa sabab u ah, Warbixin

0
165

Qaar ka mid ah Safiiradii dowladda Soomaaliya u magacawday dalalka caalamka ayaa weji gabax kala kulmayay dalalkii loo diray inay Soomaaliya u matalaan, iyadoo tani dhabar jab ku noqoneyso dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wax badan ka qabatay xiriirkeeda arrimaha dibada.
calankamadax_1Waayo aragnimo la’aanta xaga diblomaasiyada ayaa sabab u ah in laga aqbali waayo waraaqahooda danjirnimo Safiiro dowladda Soomaaliya u magacawday dalal muhiim ah, waxaana qaarkood qarka u saaran yihiin in la soo diido.

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay wasiir uga soo noqday dowladdihii KMG ayaa 18-kii bishii April ee sanadkan loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Britain, wax aan aheyn inuu magacaaban yahay lama haayo, iskaba daa aqbalaad ay aqbashay dowladda Britain oo 20-sano ka hor xirtay Safaaradii Soomaaliya ku laheyd London, markii ay bur burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale Safiirada aan waraaqahooda la aqbalin ayaa waxaa ka mid ahaa ilaa shan safiir oo dowladda Soomaaliya dhowaan magacawday sida Safiirada Tanzania, Malaysia, Belgium iyo Talyaaniga, hase ahaatee Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Addis Ababa Axmed Cabdislaaan Xaaji Aadan ayaa laga yaabaa in Itoobiya ay aqbasho dhowaan.

Dowladda Sacuudiga ayaa sidoo kale diidan Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo dowladda Soomaaliya u magacawday Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee magaalada Riyadh, muddo saddex bilood ayaa ka soo wareegatay.

Sidoo kale Gudoomiyihii hore Gobolka Baay C/fataax Geesey ayaa isna la sheegay in loo magacaabay Qunsulka Imaaraadka Carabta, balse wali ma aanay aqbali dowladda Imaaraadka Carabta.

Waxaa ka socda xafiisyada dowladda waxa loogu yeeray kala boobka safiirada ugu muhiimsan caalamka, iyadoo Muqdisho ay ku soo qul qulayaan shaqsiyaad daneynaya hadba sida dalalka ay u kala dhaqaale wanaagsan yihiin inay safiiro ama qunsulo ka noqdaan, waxaana arrimahaas ku maldahan nin jecleysi, kooxeysi iyo qabiil intaba.

Waxaa dhowaan lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay xilka Safiirnimo ka qaado Dr. Cilmi Axmed Ducaale oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka iyo Qaramada Midoobey, waxaana ay dowladda dooneysa inay kala qaado labadaas kursi oo ay ku kala fariisiso Sahro Maxamed Cali Samatar oo loo magacaabi karo Safiirka Mareykanka iyo Maxamed Abdirizak Abukar oo isna loo wado UN-ka.

Arrimahan ayaa saameyn dhab ah ku yeelaneysa dadaalka dowladda Soomaaliya ugu jirto inay is bedel ku sameyso Safiirada iyo Qunsuliyadaha u fadhiya caalamka, waxaana hada socda safiiro tira beel ah oo dalal dhowr ah loo magacaabi rabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here