Hay’ada Interpeace oo shaqaalaheedii kala baxday Garowe

0
157

Hay’ada Interpeace ayaa shaqaalaheedii si buuxda ugala baxday magaalada Garowe ee Xaruunta maamulka Puntland oo mudo fadhi u ahayd, waxaana lagu soo waramayaa in shaqaalaha hay’ada ay shalay gelinkii danbo gaareen magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland.
2

Hay’ada Interpeace ayaa sida la shegay waxay ahayd hay’ada maareysa dhaqaalaha Beesha Caalamka ay ku bixiyaan doorashooyinka Puntland.

Hay’adan ayaa ku taageertay xukuumada Puntland in doorashada lagu galo Diiwaan la’aan, iyadoo aan la fulin qodobadii muhiimka u ahaa doorashada sida tirakoobka iyo xadeynta degmooyinka, hawlwadeenada ajaanibta ah ee Interpeace ayaa ahaa kuwii gacanta kusiinayey guddiga doorashada ee Xukuumada Puntland soo magacowday.

Waxgaradka Puntland ayaa sida la sheegay bilooyinkii lasoo dhaafay oo dhan baaq u dirayay madaxda hay’ada Interpeace kaasoo ku aadanaa ineey kala dhaxgasho maamulka Faroole iyo mucaaradka, laakiin Interpeace ayaa ku gacan seyrtay

Ka bixitaankooda Puntland ayaa kusoo beegmaysa xili ay deegaanada Puntland ka dhaceen dagaalo ay dhiig ku daateen oo salka ku haya khilaafka ka dhashay doorashada Puntland oo ay shacabka qaadaceen.

Bayaan ay soo saareen todobaadkii hore waxgaradka deegaanada Puntland ayaa lagu cambaareeyey hawlaha ay hay’adan Interpeace ka waday Puntland iyo sida ay uga weecatay qorshihii Doorashooyinka Puntland oo noqday kuwo ay fashil ku keentay xalin la’aanta qodobadii aasaasiga u ahaa doorasho xor & Xalaal ah oo ay shacabka codkooda ka dhiibtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here