Qorshaha Bilicda xamar: Dhul Boob Mise Dib u dhis?

0
121

Waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka bilowday hawlgalo ay wadaan mas’uuliyiinta maamulka gobalka Banaadir, qorshahaasi oo lagu sheegay in bilicda magaalada Muqdisho ama nadaafadeeda wax looga qabanayo.
wadooyinkaMuqdisho1-650x348Dib usoo celinta bilicda Muqdisho waa Arrin loo baahan yahay in magaalada muuqaalkeedii qurxoonaa in dib loogu soo cesho, hase yeeshee waxaa soo baxaya cabsi ay dad badan ka qabaan habka loo wado qorshahan oo xiligan u ekaaday boob lagu wado dhul badan oo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in dhulalka banaan ee aan dhisneyn hadii aysan dadka lahayn dhisan ama wareejin, in lala wareegi doono oo uu dhulkaasi geli doono gacanta dowlada.

Iyadoo la ogyahay heerka uu marayo dhaqaalaha dalka Soomaaliya iyo tabarta shacabka Soomaaliyeed ee diloodeen colaadaha iyo mashaakilka ay wataan, ayaa waxaa dad badan oo dhul ku lahaa oo ku sugan gudaha dalka iyo waliba dibadiisa ay walaac ka muujiyeen dhaq dhaqaaq uu wado maamulka gobalka banaadir oo hada usoo jeestay dhulka sida gaarka ah loo leeyahay.

Waxaa xusid mudan in dowlada Soomaaliya ee xiligan jirto muddo ka yar labo sano, ay wado dhaq dhaqaaqyo badan balse aan laga filey inay culeys iyo cabsi kusoo kordhiso dadka mulkiilayaasha ah ee dhulka ku leh Muqdisho, in cadaadis lagu saaro dhismo ay sameeyaan ama dhulkooda dowlada kula wareegto xoog, waxaana la yaableh in dowlada Soomaaliya aysan xiligan wax badan ka qaban dhulalka ay Dowladu leedahay siiba kuwa ay ku yaalaan xarumaha Dowlada oo qaarkood weli aanba wax dayactir ah lagu sameyn.

Ma haboontahay in dowlada Soomaaliya marka hore ka bilowdo dhismaha iyo qurxda xarumaha Dowlada iyo dhulka kale ee banaan oo ay dowladu leedahay intaysan shacabka ku cadaadin dhulkooda u gaarka ah ama aan loogu hanjabin in dowladu la wareegayso?

Dowladu miyeysan la socon awooda dhaqaale ee shacabka Soomaaliyeed xiligan?

Halka laga filayey inay dowladu ay xooga saarto shaqo abuuris iyo kobcinta dhaqaalaha dalka si shacabka awoodooda dhaqaale sare ugu kacdo, miyey dib ugu noqoneysaa boobka dhulka shacabka oo aysanba tabar u hayn inay dhisto iyaduba dhulkii ay lahayd dowladu?

Mise qorshe kale baa jira oo uu wado Guddoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Tarsan?

Horey baa wax badan la isugu heystay habkii loo mareeyey iyo Xaraashkii uu maamulka Gobalka Banaadir ku sameeyey goobo uu ku jiro Bacadlihii weynaa ee Muqdisho, hadana waxa muuqata in loo malabsanayo dhulal badan oo ay shacabka Soomaaliyeed leeyihiin.

Talo

Dowlada Soomaaliya waxaan kula talineynaa inaysan isku furin mashaakil cusub halkii ay ku mashquuli lahayd sare u qaadida niyada shacabka iyo horumarinta guud ee dalka Soomaaliya, isla markaana waa in dowladu qorshayaasheedu noqdaan mid la jaan qaadi kara marxalada uu xiligan dalka ku jiro, hadii aysan taasi dhicina waxaa hubaal ah in fadeexad ka raaci karto dhul boob lagu sameeyo dhulka shacabka sida gaarka ah u leeyihiin.

Dowlada Waa inay xooga saartaa dhismayaasha dowladu ay leedahay oo qaarkood weli aanba ku jirin gacanta dowlada, isla markaana ka shaqeysaa dhismaha bilicda magaalada Muqdisho gaar ahaa Wadooyinka waaweyn iyo waliba fagaarayaasha dadka isugu yimaadaan oo uu ka muuqdo dayac weyn oo u baahan hawl Qaran.

Dowladu ma waxay hawsheydii Muqdisho kusoo koobtay bilicda jidka Airporka ka yimaada ee Taga Villa Somalia?

Horey baa dhulal badan oo ku yaal Muqdisho la isku heystay, maaha xiligan in dowladu lafteeda ay kamid noqoto dadka dhinacoodana wax ka boobaya dhulka sida gaarka ah loo leeyahay.

Wuxuu caqliga saliimka ah sheegayaa in dowladu ay u taal hawl badan oo ku aadan bilicda Muqdisho ee waa in laga bilaabaa goobaha ay dowladu hada ay ku asteysan tahay inay maamusho intii ay soo gacmo galin lahayd dhulalka shacabka leeyahay ee hada la sheegayo in dowladu ku hanjabeyso in ay la wareegayso hadaan daaro iyo guryo laga taagin.

Shacabka diyaar ayuu u yahay inuu ka qeyb qaato dhismaha Muqdisho balse dhiiri gelintu kama bilaabato Hanjabaada Boobka ee waxaa dowlada looga fadhiyaa inay la timaado caqli kale oo ummada niyada u dhisa kuna dhiiri geliya inay qaadaan tilaabooyin fiican.

Hussein Farah

Horseed Media

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here