Madaafiic caawa ku soo dhacay Isbitaalka Digfeer oo dhowaan Turkiga dayactir ku sameeyay

0
144

Tiro Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa caawa fiidkii ku soo dhacay isbitaalka Digeer ee degmada Hodan, kaasoo dhowaan Turkiga uu dib u dayactir ku sameeyay, isla markaana noqday Isbitaal casri ah.Qof goob jooge ah ayaa xaqiijiyay ilaa labo madfac ay ku soo dhaceen darbiga Isbitaalka, inkastoo aan wax qasaare ah geysan.
breaking_news_37595

“Waxa soo dhacay waxaa ku qiyaasayaa inuu ahaa hoobiye, darbiga agtiisa ayuu ku soo dhacay, wax qasaare ma geysan nalalkii waa shidan yihiin Isbitaalka”ayuu yiri qof goob jooge ah.

Lama oga halka laga soo tuuray madfaca, iyadoo arrintan aanay aheyn mid ku cusub magaalada Muqdisho in madaafiic ay soo dhacaan xilliyada qaar, waxaana bil ka hor ay aheyd markii madaafiic lagu soo tuuray Madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here