Gaas:“Puntland uma qalanto in dhibaato ka dhacdo”

0
158

Ra;iisal wasaarihii hore ee Xukuumadii KMG C/wali Gaas ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qalalaasaha ay dadka ku dhinteen ee maalmo kahor ka dhacay deegaano kamid ah Puntland.C/wali Gaas ayaa ka hadlay dhibaatadii maalmo kahor ka dhacday magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso, halkaasoo lagu gubay sanaadiiqdii doorashooyinka Golaha deegaanada Puntland, sidoo kale Gaas ayaa ka hadlay Go’aankii M/weyne Faroole uu ku joojiyay doorashada.
images6

Gaas ayaa sheegay in Go’aanka Faroole uu ahaa mid wanaagsan laakiin looga baahnaay inuu mar hore qaato, halkii uu ka qaadan lahaa mar dhiig daatay.

C/wali Maxamed Cali Gaas, R/wasaarihii Xukuumadii KMG ee Soomaaliya, ayaa sheegay ineey tahay wax laga xumaado in dagaalo ay ka dhacaan gudaha deegaanada Puntland, waxaana uu tacsi u diray dadkii ku dhintay labada dhinac ee dirirta ku dhexmartay deegaanada maamulka Puntland.

“Waan ka xumahay waana nasiib darro waxa ka dhacay puntland bilahaan u danbeeyay, ama ha ahaato shaqaaqadii horay uga dhacday bishii hore magaalada Gaalkacyo ama wixii ka dhacay Qardho, waana u tacsiyeeynayaa dadkii dhintay Allaha u naxaristo” ayuu yiri C/wali Gaas.

Gaas, ayaa sheegay inuu wanaagsanyahay go’aanka uu qaatay M/weyne Faroole taasoo ahayd inuu hakiyay doorashadii 15ka bishaan ka dhici lahayd deegaanada Puntland, laakiin waxa u sheegay in xiligaan aysan ahayn xiligii loogu tala galay in go’aankaas uu qaato oo waa hore laga sugayay intuusan dhiig daadan.

“Weey fiicnaan lahayd go’aankaasi hada kahor in la qaato intaan dhibtu dhicin” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay C/wali Gaas.

Ugu danbeyntii Gaas ayaa sheegay in hadii M/weyne Faroole go’aan nuucaan ah uusan qaadan lahayn in dhibaatadu ay intaas kasii badan lahayd oo Puntland dagaalo aad u xun ay ka dhici lahaayeen.

“Waxaan is leeyahay dhibtu way sii badan lahayd dagaalkuna waa uu sii badan lahaa, hada iyadoo dhowr qof naga dhimatay ayaa waxaan is leeyahay waxa uu qaatay go’aan maslaxad ku jirto” ayuu yiri C/wali Gaas.

C/wali Maxamed Cali Gaas oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay doowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray ayaa haatan waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta sida aadka ah ugu loolamaya inuu xil ka qabto deegaanada Puntland.

Gaas ayaa horay uga mid ahaa siyaasiyiin M/weyne Faroole uu ka hor istaagay in deegaanadaas ay ku qabtaan Ol ole siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here