DAAWO:Miino-saaris laga billaabay Ballanballe iyo deegaannada hoos-taga

0
161

Maamulka dowladda ee degmada Ballanballe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in 20 sano kaddib markii ugu horreysay deegaannada hoos yimaada Ballanballe laga billaabay howlgal lagu saarayo miinooyinka iyo waxyaalaha kale ee qarxa.
4 5 1 2 3Madaxa arrimaha bulshada ee degmada Ballanballe Rijaal Axmed Maxamed ayaa sheegay in howlgalka miin-saarista oo ay iska kaashanayaan maamulka dawladda ee degmada, hay’ad ka mid ah kuwa la dagaallama miinooyinka iyo dadweynaha degaanka looga gol-leeyahay in deegaanka laga ciribtiro waxyaalaha qarxa oo ay deegaanka ku reebeen dagaalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhex maray sanadihii siddeetanaadkii.

Rijaal ayaa intaas ku daray in miinooyinka iyo waxyaalaha qarxa ee ku jira deegaannadaasi ay had iyo goor ku qarxaan dad, duunyo iyo gaadiid, isla markaana ay sababaan dhimasho iyo dhaawac joogto ah.

Dadweynaha ku nool Ballanballe iyo deegaannada hoos yimaada ayaa soo dhaweeyey tallaabada iyagoo sheegay in walxaha qarxa ay dhibaato joogto ah ku hayaan shacabka, iyadoo dad badan ay ku naf waayeen, halka kuwa kalen oo badanna ay ku naafoobeen.

Degmooyinka Ballanballe iyo Caabudwaaq ayaa ah meelaha ugu daran gobolka Galgaduud ee ay ku daadsanyihiin waxyaalaha qarxa, kuwaas oo ahaa meelaha ugu badan gobolka ee ay ka dhaceen dagaalladii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here