C/raxmaan Baadiyow" Xasan Sheekh iyo Dowladdiisa aad ayay la ciif u yihiin waayo waxba kama qaban wixii loo soo doortay"

0
117

Dr. C/raxmaan Macalin C/laahi (Baadiyow) ayaa wuxuu eedeymo uu u jeediyay Dowladda Federalka ee Somaliya, wuxuuna sheegay inaysan Dowladdu waxba ka qabin wax yaabihii loo soo doortay.
timthumbDr. C/raxmaan Macalin C/laahi (Baadiyow) oo siyaabooyin kala gedisan ula hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay inuu sii xumaanaayo ammaanka guud ee ka jira Magaalada Muqdisho.

Wuxuu kaloo sheegay inay sii kordhayaan dilalka iyo qaraxyada qorsheysan ee ka dhacaaya Magaalada Muqdisho, iyadoo aysan jirin buu yiri wax ay ka qabaneyso Dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu ku eedeeyay inaysan Dowladiisu waxba ka qaban hawlihii shaqo ee loo igmaday, isla-markaana wuxuu xusay inaysan wax ammaan ah ka jirin Magaalada Muqdisho.

Ninka looga guumeystay tartankii doorashada ee Madaxweynaha, ayaa wuxuu kaloo sheegay inay muuqaneyso, in Dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay shaqooyinka adag ee horyaala.

Hadalka ka soo yeeray Dr. C/raxmaan Macalin C/laahi (Baadiyow), ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli ay isa soo tarayaan wararka sheegaaya, inay jiraan Siyaasiyiin caan ah oo wada, olole ka dhanka ah Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here