Maamulka Somaliland oo hawada u furay Diyaaradaha UN-ka

0
133

Maamulka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay inay dib u fureen duulimaadyadii Qaramada Midoobey oo muddo labo bilood ka hor ay ka mamnuuceen deegaanadooda.Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen inay dib u furaan duulimaadyada Hey’adaha Qaramada Midoobey.
bansheli1“15-kii bishii shanaad baan xirnay duulimaadyada qaramada midoobey, labada bilood xayirnaaayeen, markii Qaramada Midoobey maamulkii hawada iyagoo aan nala tashan maamulkooda ku wareejiyeen walaalaha soomaaliya”ayuu yiri Mr Xaashi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.

Mar wax laga weydiiyay waxa ku soo beegay go’aankooda dib u furida duulimaadyada ayuu sheegay in heshiiskii Istanbul uu qeyb ka ahaa in Maamulka hawada laga maamulo Hargeysa, gudiyo isku dhaf oo labada dhinac iyo Qaramada Midoobey ka howl galaan arrintaas.

“Si niyad sami u bilowdo ayaa arrimahaas u garwaaqsanay, waxaa soo kordhay in heshiiskii Hawada ee anaga iyo Soomaaliya naga dhaxeeyay, in gudi joogto ah la sameeyo wada hadaladii Turkiga ayuu ahaa”ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in Hey’adaha qaramada Midoobey ay howlo muhiim ka hayaan Somaliland, isagoo xusay in tallaabada ay dib ugu ogolaadeen duulimaadya ay saan saan fician u tahay bulshada Somaliland.

Mr Xaashi ayaa sheegay in gudiga saddex geesood ay si toos u howl geli doonaan sanadka 2014, marka si rasmi ah ugu soo wareego maamulka hawada Gacan Soomaaliyed sida uu yiri.

Hadalkan ka soo baxay Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland ayaa ku soo beegmaya, markii dhowaan gudiyo ka kala socda Soomaaliya iyo Somaliland ay ku saxiixeen heshiis saddex qodob magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here