Cali Waran Cade:duulaan qaawan ayaa Xamar nooga soo wajahan

0
132

Cali Waran Cadde oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliland, ayaa mar uu warbaahinta la hadlayay sheegay ineey heleen xog ku aadan weerar kaga soo wajahan DFS.
images-12

Wasiirka arimaha gudaha maamulka Soomaaliland Cali Waran-Cadde ayaa sheegay iney hayaan war kasoo baxay Col. C/llaahi Cali Caanood oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed isaga oo u sheegay ciidamo uu la hadlayey iney u diyaar garoobaan sidii ay calanka Soomaaliya uga taagi lahaayeen deegaanada Waqooyiga Soomaaliya oo xiligan uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland oo ku adkaysanaya inuu ka madax bannaanyahay Soomaaliya inteeda kale.

“Ninka la yiraahdo C/llaahi Cali Caanood ayaa ku hanjabay iney mar labaad dhulkeenna ka taagaan calankii aynu tuurnay ee dhibka badani inaga soo maray, isaga oo ku hadlaya afka dowladda iyo ka ciidamada Soomaaliya,ciidamo lixaadleh ayaa lagu diyaarinaya Jasiiro kuwaas oo la doonayo in markale lagu qabsado Soomaaliland” ayuu yiri Cali Waran-Cadde wasiirka arimaha gudaha Soomaaliland.

Qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida ayaa maalmihii danbe Baraha Internetka ku daabacayay warar aan xaqiiqdooda la haynin oo ku aadan in Taliye katirsan Ciidamada Milatariga DFS uu sheegay ineey duulaan ku yihiin Hargaysa islamarkaasna la doonayo in lagu mideeyo Soomaaliya iyo Somaliland oo iyadu ku adkeesaneysa ineey ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here