Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh goor dhaw uga furmay Magaalada Nairobi

0
136

War goordhaw naga soo gaaray Magaalada Nairobi ee dalka kenya ayaa sheegaya in halkaas ka furmay kulan ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo Dowladiisa.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu ka socdo hoteelka Laico Regency ee magaalada Nairobi ay ka soo qeybgaleen xubno ay ka mid yihiin 3 da Ra’iisal Wasaare soomaaliya soo martay oo kala ah Cali Khaliif Galeyr oo Ra’iisal Wasaare ka ahaa Dowladdii C/qaasim Salaad Xasan, Cali Maxamed Geeddi oo Ra’iisal Wasaare ka ahaa Xukuumaddii C/llaahi Yuusuf iyo Cumar C/rashiid oo Ra’iisal Wasaare ka ahaa Dowladdii Shariif Sh Axmed.
breaking_news_37595

Siyaasiyiintan ku shariya Nairobi ayaa waxay si weyn ugu soo horjeedaan qaabka ay u shaqeyneyso dowlada Federaalka iyagoo sheegay in ay dhaliilsan yihiin qaabka maamul ee madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud .

Xubnaha ku shiraya magaalada Nairobi ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee hadda jira sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi.

Sidoo kale xubnaha kale ee shirka ka furmaya Hotelka Laico Regency ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah Dr. C/raxamaan Macalin Baadiyow Jen. Maxamed Warsame Darwsiih, wakiilo matalaya Putland iyo Jubbaland.

Warar ayaa sheegaya in Dowladda kenya ay qeyb ku leedahay abaabulka shirka iyadoo dano siyaasadeed ka leh dhinaca jubbooyinka.

Dhamaan Siyaasiyiintan iyo Dowladda kenya ayaa si isku mid ah u arka nidaamka uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamud waxayna leeyihiin waxaan badbaadinaynaa umadda soomaaliyed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here