Daawo Shacabka Magaalada Gaalkacyo oo gubay Sanaadiikhdii Doorashada deegaanada Maamulka Puntland iyo Faroole oo dhiiga ku kacay

0
127

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi gebi ahaan lagu gubay sanaadiikhdii Maamul Goboleedka Puntland u keentay in cododka lagu rido doorashooyinka Golayaasha deegaanka.Ciidamadii galbinayey sanaadiikhda ayaa lagu soo waramayaa inay kala wareegeen shacab hubeysan kuwaasi oo gebi ahaan burburiyey sanaadiikhda iyo waraaqo ku jiray oo ah kuwii cododka.
10

Sanaadiikhdan ayaa lagu waday in maalinta beri oo ku beegan 15ka July la dhigo goobo cayimin oo ku yaal Gaalkacyo, lamana shaacin meelaha codbixinta ka dhaceyso, waxaana sidoo kale muuqatay in Sanaadiikhda kuwo qaar Codadka horey loogu soo guray oo xiran iyo kuwo faaruq ah oo aan waxna ku jirin, sida aad ka arki doontaan Sawirada hoose.
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here