Shabaabka oo shaaciyay Magaca ninka ugu sareeya Sirdoonka Mareykanka ee ku sugan Muqdisho oo shalay la dhaawacay

0
125

Afhayeenka Xarakada maleeshiyada Al-Shabaab ninka lagu magacabo Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar is qarxin ah oo shalay (Jimco ahayd) kooxdiisa ka geystay agagaarka KM4 ee Magaalada Muqdisho weerarkaas oo lala beegsaday kolonyo baabuurta Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee jooga Magaalada Muqdisho.
3Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkaas bartimaameedkiisu ahaa waa sida hadalka u dhigay Sarkaal ka tirsan CIA da Mareykanka, waxaa kaloo uu sheegay in ninkan la beegsaday oo magaciisa la yiraahdo Gray Schroen.

Waxaa uu leeyahay Cali Dheere muddo badan ayaan ku raad joogan xogta ku saabsan sarkaalka bartimaameedku ahaa waxaa uu sheegaya afhayeenka shabaab in ninkan uu ka soo shaqeeyay wadamada Afghanistaan iyo Pakistaan.

Afhayeenka shabaab waxaa uu leeyahay ujeedada weerarkaas waa la gaaray Madaxii Sirdoonka Mareykanka ee la beegsadayna waxaa soo gaaray dhaawac culus waa sida uu yiri Cali Dheere.

Ilaa iyo hadda Dowladda Soomaaliya, Ciidamada Midowga Afrika iyo Sirdoonka reer galbeedka ee fadhigooda yahay degaanka xalane midna kama hadlin sheegashada al shabaab ee ah in weerarkii shalay ka dhacay agagaarka KM4 lagu dhaawacay Sarkaal sare oo Mareykan ah.

Weerarkaas ayaa inta la ogsoon yahay waxaa ku dhintay dad rayid ah oo wadada marayay kuwaas oo tiradooda gaaraysay 5 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here