Shabaabka oo Bartimaameed ka dhigan doona bisha Ramadan goobo badan oo dad shacab ah ku nool yihiin

0
145

Ururka alshabaab ayaa ku dhawaaqay iney kor u qaadayaan weeradada ay ka geysanayaan gudaha Soomaaliya inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan afhayeenka dhanka hawlgallada u qaabilsan alshabaab SH C/casiis ABU Muscab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa ka dhawaajiyey iney kordhinayaan weerarada ay soo qaadayaan inta lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadaanka.
4

Afhayeenka ayaa sheegay iney tahay arin weyn oo loo baahan yahay in Jihaadka ilaah loogu dhawaanayo looga faa’iideysto inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna wacad ku maray iney alshabaab sii laba jibaarayaan weerarada ay geysanayaan ee uu sheegay iney la beegsanayaan waxa uu ugu yeeray Cadowga Ilaahay.

“meel walba oo ay joogaan waan ku weeraraynaa,weeraradaasne ilaahey ayaan ugu dhawaaneynaa,waanune sii kordhineynaa dagaalada”ayuu yiri afhayeenka dhanka hawlgallada ee alshabaab SH C/casiis abu Muscab.

Afhayeenka dhanka hawlgallada alshabaab ayaa dhanka kale ka warbixiyey dagaalo uu sheegay in alshabaab ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha hoose,wuxuuna sheegay iney AMISOM dhibaato ba’an ku gaarsiiyeen weerar uu sheegay iney ku qaadeen fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here