Ciidamada Nabad Sugida oo dad shacab ah ku dilay Agagaarka Tiyaatarka

0
141

Goob jooge kamid ah Ciidamada Booliska islamarkaasna ku sugnaay goobta ay mashaqada ka dhacday ayaa warbaahinta u sheegay in Labo Gaari oo ay saarnaayeen Ciidamada Nabad Sugida ay xalay saqdii dhexe rasaas ku fureen Gaari yar oo nuuca raaxada ah islamarkaasna ay la socdeen dad shacab ah.
1

Askarigaan goob joogaha ah oo u waramayay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mid kamid ah Ilaalada saarneyd Baabuurka Nabad Sugida uu rasaas huwiyay Gaariga yar, waxaana halkaas ku dhintay hal qof oo sida la sheegay katirsanaay Ciidamada DFS oo saarnaay gaariga yar, waxaana ku dhaawacmay wadihii gaariga iyo Haweeneey.

Labada Gaari ee ay saarnaayeen Ciidamada Nabad Sugida ayaa sida la xaqiijiyay waxaa saarnaay masuuliyiin ka tirsan hay’ada Nabad Sugida, waxaana la sheegay in markii ay mashaqada dhacday aysan gadaal usoo fiirin socodkiidiina iska sii wateen.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday afaafka hore ee dhismaha Tiyaatarka Qaranka.

Dhaawaca labada qof ayaa la dhigay Isbitaal ku yaala meel u dhow Guriga Hooyooyinka.

Waxaa xusid mudan in meesha ay dhacdadaan ka dhacday ay tahay goobtii bilooyin kahor lagu weeraray Gaari uu watay Taliyaha Nabad Sugida Qaranka Khaliif Ereg, waxaana weerarkaas ku dhintay dad shacab ahaa oo masaakiin ah oo aan waxbo galabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here