Ajaanib lala xiriiriyay al-Shabaab oo Kenya lagu maxkamadeeyay

0
159

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Saddex nin oo ajaanib ah oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin al-Shabaab  loogu maxkamadeeyay eedeyn la xiriirta inay si sharci darro ah dalka ku galeen.
Nairobi-image-374x300Saddexda nin oo labo ay u dhalatay Faransiiska iyo mid Belgium u dhashay ayaa horey eedeymo la xariira argagixisanimo loogu heysatay Belgium, waxayna Kenya rumeysan tahay in saddexdooduba ay ka soo galeen dhinaca Soomaaliya.

Saddexda nin ayay maxkamad qaadiga ee Kenya ay ku xakuntay min sanad xarig ah, iyadoo aanay maxkamaddu caddeyn in inta ay xabsigooda ka dhameysanayaan ay Kenya heyneyso iyo in Belgium lagu wareejinayo si loo amba-qaado dacwadda argagixisanimo ee loo heysto.

Hussein Omar iyo Ahmed Omar oo Kenya u dhashay oo loo heystay inay gabbaad-siinayeen saddexda nin ayay maxkamaddu dammaanad ku sii daysay, waxaanay dacwaddooda dib u furmeysaa sagaalka bisha September.

Ajaanib badan ayaa marin ka dhigta dalka Kenya si ay qeyb uga noqdaan maleeshiyada al-Shabaab oo xiriir la leh ururka argagixisada caalamiga ah ee al-Qaacidda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here