Soomaaliya oo moos u dhoofinaysa Imaaraadka

0
176

Wasaaradda kheyraadka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta sheegtay in toddobaadkan ay dalka Isu-tagga Imaraadka Carabta u dhoofinayso mooskii ugu horreeyay ee dalka laga dhoofiyo muddo dheer kadib.
moosWasiirka  ayaa sheegay in uu taagan yahay markabka qaadaya mooska loo dhoofinayo dalka Imaaraadka.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed wuxuu sheegay in mooska la dhoofinayo ay leeyihiin ganacsatada gobollada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe oo ku mideysan dallad lagu magacaabo Fruit Soma, dowladdana ay ka qaadeyso canshuuraadka sharciga ah.

Wuxuu ku taliyay in ganacsatada laga yareeyo canshuurta si loogu dhiirrigeliyo in ay xoojiyaan badeecooyinka ay dibadda u dhoofsanayaan, oo uu tilmaamay inay qeyb ka qaadanayso koboca dhaqaalaha dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay filanayaan in ganacsatada Soomaalida ah ay billaabaan dhoofinta khudaarta kale ee ka soo go’da beeraha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here